7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 27, 2021
Raysal Wasaare Rooble: Waxaa iga go'an sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan
 

Khamiis May, 27, 2021 ( HOL ) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyey xaflada xiritaanka shirka golaha wadatashiga qaran ee dhamaystirka heshiiskii 17-kii sebteembar ayaa u mahadceliyey dhammaan dhinacyada ay khusaysay arrinta doorashada oo muujiyey tanaasul, u-turid, iyo in danta dalka laga hormariyo tan gaarka ah.

Eng. Rooble ayaa sheegay in laga heshiiyey dhammaan qodobadii lagu kala aragtida duwanaa, sida arrinta Gobolka Gedo, Hannaanka doorashada gobollada Waqooyi, turxaan bixinta qaab-dhismeedka guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-gobleed iyo sidoo kale amniga doorashooyinka dalka.

Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in xukuumaddiisu ay dadaal walba ku bixinayso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo nabdoon, isagoo ku baaqay in dhammaan dhinacyada daneeyayaasha doorashada iyo bulshada Soomaaliyeed ay qaybtooda ka qaataan sidii ay loo hirgelin lahaa doorashada, isla markaana uu dalku uga baxi lahaa caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ku geedaaman.

Ilaalinta qoondada Haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin goleyaasha dowladda ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in xukuumaddiisu ay xil iska saarayso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online