7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2021
Munaasabadda xeritaanka shirka wadatashiga doorashooyinka Qaranka oo goordhaw bilaabatay
 

Khamiis May, 27, 2021 ( HOL ) - Waxaa goordhaw si rasmi ah Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho uga bilaawday munaasabadda lagu soo xiraayo shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka.

Munaasabadan lagu soo gabagabeynaayo heshiiskii madaxda aay ka wada gaareen doorashooyinka dalka ayaa waxaa goob joog ka ah masuuliyiin kala duwan oo ugu horeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guddoomiyaasha labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, xubno ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, Ururada Bulshada rayidka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Dhamaan dhinacyadii isku haayay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa kuwada sugan hoolka Teendhada Afisyooni, waxaana goordhaw si rasmi ah u bilaaban doona khudbadaha kala duwan aay jeedin doonaan madaxda halkaasi kuwada sugan, iyadoo uu bilaabi doono hadal jeedinta munaasabadda Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaana soo gabagabeyn doono madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]