7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 27, 2021
Hirshabeelle oo ugu baaqday qoysaskii ka barakacay dagaaladii Baledweyne iney guryahooda kusoo laabtaan
 

Khamiis May, 27, 2021 ( HOL ) - Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo waliba wasiiro, Xildhibaano ka tirsan dowladda dhexe iyo Hirshabeelle ayaa si wadajir ah ugu baaqay shacabkii dhawaan ka barakacay xaafada Hilaac ee magaalada Baledweyne iney dib ugu soo laabtaan aqaladooda.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in wax waliba oo ku saabsana dagaalkii keenay barakaca aay dhamaadeen uuna ka dalbanayo dadkii shacabka ahaa ee ka qaxay guryahooda iney dib ugu soo laabtaan.

"Nabadgalyada xaafada waa mid la isku haleyn karo, alle kasokoow anaga ayaa joogna oo balan qaadeyna in wax dhibaato ah aysan dhicin ee xaafada dib haloogu soo noqdo gancsigana ha furmo" ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed.

Baaqa Yuusuf dabageed ayaa imaanaya xili wali xaafada Hilaac aay ka maqan yihiin qoysaskii dagana kuwaas oo ka cararay dagaalo u dhaxeeyay beelaha Makane iyo Jijeelle oo isla dega xaafadaasi, inkastoo lagu guuleystay in la kala qaado ciidamadii labada Maleeshiyo beeleed ee dirirtu u dhaxeysay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]