7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 27, 2021
War murtiyeed lagasoo saaray shirkii wadatashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya
 

Khamiis May, 27, 2021 ( HOL ) - War murtiyeed ayaa lagasoo saaray shirkii wadatashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho uga socday raysal wasaaraha Soomaaliya, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Madaxda ayaa ku heshiisay in muddo 60 cishe gudaheed ah lagu dhameystiro doorashada sida ku caddayd soo jeedintii shirkii magaalada Baydhabo ka dhacay 16 febraayo.

Waxaa dhammaan heshiis laga gaaray arrimihii khilaafku ka taagnaa, sida arrinta Gobolka Gedo, Hannaanka doorashada gobollada Waqooyi, turxaan bixinta guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-gobleed iyo mniga doorashooyinka.

Halkaan ka akhriso war-murtiyeedka kasoo baxay.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online