7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 27, 2021
Heshiiska lagu gaaray Shirka Wadatashiga Qaran ee Muqdisho oo maanta madaxda Saxiixayaan
 

Khamiis May, 27, 2021 ( HOL ) - Iyadoo maanta lagu wado sida uu qorshuhu yahay in lasoo afjaro shirka wadatashiga Qaran ee madaxda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uga socday Teendhada Afisyooni ee magalada Muqdisho.

Waxaa haatan ka soconaayo Teendhada Afisyooni qabanqaabada Munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska aay ka wada gaareen madaxda arrimaha doorashada dalka ka dhaceyso,iyagoona soo saari doona War-murtiyeed faahfaahsan.

Munaasabadda ayaa la sheegaya inay ka qeybgalayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta, Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, iyo Ururada Bulshada rayidka ah.

Gabagabadii Munaasabadda maanta lagu saxiixayo heshiisyada lagu gaaray shirka Afisyooni ee aay wada gaareen madaxda dalka ayaa ahaa mid natiijadiisa aay si weyn indhaha ugu wada hayeen shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]