7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 27, 2021
Raysal Wasaare Rooble, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kala saxiixday heshiiska doorashada
 

Khamiis May, 27, 2021 ( HOL ) - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, hogaamiyaasha dowlad goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kala saxiixday heshiiska hanaanka doorashooyinka dalka sida laga soo xigtay xafiiska RW.

Heshiiska ayaa goordhow looga dhawaaqi doonaa xerada Afisyoone, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka socday shirka dhameystirka heshiiska doorasho ee 17 september.

Raysal wasaaraha, shanta madaxweyne dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kasoo wada muuqday goob ay ku saxiixayeen heshiiska doorashada.

Heshiiska oo lagu dhawaaqi lahaa duhurnimadii maanta ayaa ku yimid hakad gaaban, si loo qanciyo guddoomiyaha aqalka sare oo ka biyo diiday inuu kasoo qeyb galo xiritaanka shirka.

Guddoomiyaha ayaa diidanaa sida loo qeybiyay guddiga doorashooyinka xildhibaanada gobolada waqooyi.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online