Talaado, December, 04, 2018 (HOL) – Ku dhowaan 200 oo ka mid ah ardayda dhamaysatay jaamacadaha ayaa imtixaan lagu xulanayo 50 ka mid ah oo shaqaale ka noqon doono wasaaradaha iyo waaxyaha kale.
newsinside Imtixaankan oo ay qaadayso hay'adda shaqaalaha ayaa looga goleeyahay sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa ardayda ka soo baxday Jaamacadaha kala duwan, kuwaas oo ka hawlgeli doona gobolka Sool sida uu sheegay Gudoomiyaha hay'adda shaqaalaha Somaliland.
"Imtixaankan waa mid ku xidhan qalinkiina iyo qadarta kii loo qoray waxaanse idiin sheegayaa in cadaalad aan ku qiimayno, mid idinka mid ah oo aan garanayaa ma jiro" sidaa waxaa u jeediyey kuwii imtixiinka gelayey Gudoomiyaha hay'adda Shaqaalaha Somaliland Sharma'arke Axmed Muxumed.
Dadka haatan imtixaanka gelaya oo 50ka u sareeya ay shaqaaloobayaan ayaa 15 ka mid ah loo qoondeeyey in ay noqdaan hablo halka inta kalena ay noqon doonaan rag.
Xukuumadii Siilaanyo ayaa sanadkii u dambeeyey 30 xubnood oo meelo kala duwan lagu meeleeyey imtixaan kaga qaaday Laascaanood, taas oo fikirkeeda lahaa Gudoomiyaha hay'adda Shaqaalaha ee hada jooga Laascaanood, iyadoo waqtigaa la sheegay in si daacad ah uu u dhacay maantana la saadaalinaayo in uu la mid moqdo kii waqtigaas.