Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo gaaray degmada Buula-burte

 

Talaado, December, 04, 2018 (HOL) -Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Ragge abaanduulaha ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa gobolka Hiiraan ayaa gaaray degmada Buula-burte

newsinside Socdaalkiisa Buula-burte waxaa ku wehlinayay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo horay u soo maray degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas.

Booqashadiisan ayaa la sheegay in ay tahay mid salka ku heysa diiwaangelinta ciidamada xoogga dalka iyo dhinaca kale dhiri-galinta ciidamada oo todobaadyadii ugu danbeeyayba waday howlgalo lagula dagaalamayo Ururka Al-shabaab.

Degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah degmooyinka ay go’doomiyeen  Al-Shabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada ay dhowr mar sheegeen inay  go’doonka ka qaadi doonaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]