Dowladda oo sheegtay in ay qabatay xubin ka tirsan Al-shabaab

 

Talaado, December, 04, 2018 (HOL)-Hay'adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada NISA.

newsinside Waxaa ay sheegtay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana  qofka lagu qabtay waqtiyo badan baadi goob iyo dabagal ay ciidamada ku hayeen. 

Hay'adda Sirdoonka ayaa sheegtay in howlgalkan aysan jirin cid wax ku noqotay, iyadoo shaqsiga la soo qabtay la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista  ee ciidanka dowladda federaalka.

Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana ay ku jiro gacanta dowladda.

Marar badan oo hore ayeey sidan oo kale hay'adda NISA sheegtay in howlgal ay fulisay ku soo qabtay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab, laakiin wali warbaahinta looma soo bandhigo xubnaha hay'addu sheegto in la soo qabtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]