
Talaado, December, 04, 2018 (HOL)- Madaxweyne Farmaajo, Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaaraha iyo taliye ku-xigeenka hay'adda nabadsugidda ,Fahad Yaasiin ayaa la isku mari waayay qodobbo ay ka wada-hadlayeen saacaddihii lasoo dhaafay.
Qodobbada sida adag loo lafa guray waxaa ka mid ahaa kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka, Musharaxnimadda Sheekh Mukhtaar Roobow iyo Ciidankii dowladda ay geysay Baydhabo oo uu guddoomiye Mursal aad uga hor yimid.
newsinsideMadaxda ayaa isku dayaya in ay ku qanciyaan Guddoomiye Mursal aragtida ah in uu sidoodda uu ku aqbalo saddexda qodob ee uu ku dhagan yahay.
Halka Guddoomiyaha uu ku doodayo;
• in Ciidammada la geeyey Baydhabo dib loogu soo celiyo Muqdisho.
• In Mukhtaar Roobow Musharraxnimadiisa laga hor istaagin ee uu ka qeyb galo tartanka
• Iyo in Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan kala dirirstiina laga noqdo, Guddoomiye Mursal ayaa ku adkeystay in la fuliyo qodobaddaasi halka Madaxda ay Guddoomiyaha ka codsadeen in uu ka tanaasulo qodobadda qaar sida aan xogaha ku heleyno.
Siyaasiyiinta Koofur-galbeed ayaa qaba aragti ah in dowladda ay ku xadgudbeyso xoriyadda shaqsiyaadka maamulkaasi iyagoo doodahooda ku saleynaya:
Siyaasiyiinta Koofur-galbeed ayaa qaba aragti ah in dowladda ay ku xadgudbeyso xoriyadda shaqsiyaadka maamulkaasi iyagoo doodahooda ku saleynaya:
1- In Dowladda ay si jujuub ah xilkii ay uga tuurtay Guddoomiyihii Golaha Shacabka Prof Jawaari.
2- In xilkii Madaxweynaha Koofur Galbeed uu Sharif Xasan isaga casilay cadaadis uga yimid dhinaca Dowladda.
3- In fara galin qaawan oo toos ah ay ku heyso hadda doorashada dib u dhaca badan uu ku yimid ee Maamulkaasi Koofur Galbeed.
4- In Musharaxiinta qaar ay taageero siineyso Dowladda qaarna ayka soo hor jeeddo kana shaqeyneyso in ay tartanka ka reebto
Ugu dambeyn,waxaa si dhaw indhaha loogu hayaa hadba go’aanada ka soo baxa kulamada u socda madaxda dalka kuwaasi oo jaan goyn doona xaalada kacsan ee ka dhex jirta Golaha shacabka iyo Maamulka Koofur Galbeed Doorashadiisa.