
Talaado, December, 04, 2018 (HOL)- Musharrax Maxamuud Khaliif Xassan (Eng. Jebiye) oo ka mid ah musharrixiinta xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada dhacaysa horraanta sanadka 2019-ka ayaa sheegay inay soo ifbaxday waxyaabihii laga digayay ee la xiriira magacaabista guddiga xallinta khilafaadka iyo ansixinta Xildhibaannada golaha wakiilada, taas oo horseedi karta khalkhal siyaasadeed,sida u sheegay.
newsinside"Waxaa nasiib darro ah in hoggaanka sare ee Dowladda Puntland ay ku fashilmeen in la soo magacaabo guddi loo dhan yahay oo talo laga geliyey musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland. Liisaska kala duwan ee soo baxay waxay muujineysa khatarta ka soo socota nidaamkii iyo haykalkii dowladnimo ee Puntland taas oo ah mid aan horey u dhicin. " ayuu yiri Eng. Jebiye oo inta raaciyay "Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Anisixnta Xildhibaanadu waa in ay noqdaan kuwo leh waayo-aragnimo la xiriirta xalinta arrimaha khilaafaadka, aqoon u leh dhaqanka iyo nidaamka beelaha, dhex-dhexaad ka ah arrimaha siyaasadda, bulshada dhexdeedana ku leh sumcad iyo ixtiraam."
Musharraxa ayaa ku baaqay in la isugu yimaado shir deg-deg ah, oo ay ka qayb-galaan Hoggaanka Puntland ee xilku ka sii dhammaanayo, Musharrixiinta, iyo Isimmada Puntland si buu yiri looga wadatashado guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaannada "Si ay u soo baxaan Xildhibaanada haysta saxiixa rasmiga ah iyo oggolaanshaha hoggaamiye dhaqameedyada beeshooda, taas oo horseedi karta in ay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah". ayuu ku daray.
Gabagabadii, waxa uu ugu baaqay dhamaan daneeyaasha arrimaha Puntland waxaan in ay si toos ah ula socdaan geeddi socodka doorashada Puntland, si loo ilaaliyo nabadda, wadajirka iyo nidaamka dowldnimo ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.