Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Talaado, December, 04, 2018 (HOL) -Wararka ka imanaya deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab kaddib dagaal ay la galleen xoogag is abaabulay oo la magac-baxay Macwiisley. 

newsinside Dagaalka ayaa waxaa uu  ka dhacay degaanka Guullane oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Goobjoayaal ayaa sheegay inta la og yahay in dagaalkan ay ku nafwaayeen ilaa  8  ruux  tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay intooda badan lagu sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Xaalada deegaanka Guullane ayaa saakay degan, iyadoona cabsi ay ka jirto, taasi oo u dhexeysa Al-Shabaab iyo Kooxda La magac baxday Macwiisley.

Xoogagga Macwisleyda ayaa intooda badan ka howlgal deegaanno hoostaga gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan iyaga oo dhowr jeer oo hore dagaallo culus la galay  Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]