Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Muqdisho ku laabanaya


Talaado, December, 04, 2018 (HOL) - Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in uu qorsheynayo inuu ku laabto caasimadda Muqdisho ,si uu u xuso sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii dowladda Federaalka ay xabsi dhigtay, kaddib howl-gal lagu qaaday hoygiisa oo dhacay 17 December ee sannadkii hore 2017-kii, kaasoo ay ku dhinteen darawalkiisa iyo 4 ka mid ah Ilaaladiisa.

newsinside"Waxaan ahay hoggaamiye Xisbi mucaarad ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya.. Waxaa i soo weerartay in ka badan 20 saraakiil amniga, kuwaasi oo dilay 5 ka mid ah Shaqaalaheyga". ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Mr Warsame ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay tahay mid dooneysa inay dib u soo celiyaan aragtidii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, isagoo ku eedeyay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo inay dooneyso in Soomaaliya dib ugu soo celiyaan maalmihii madoobaa ee hore,sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay in maalmo uu ku qaatay xabsiga, waxaana uu ku doodday in saraakiisha Sirdoonka aysan Maxkabadda u gudbin xitaa hal caddeyn ah oo muujinaya dambiga lagu soo xiray. Hase ahaatee Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa ku eedeysay in Siyaasigan uu ku howlanaa fal qaran dumisnimo iyo eedeymo kala duwan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]