Talaado, December, 04, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulankii ugu horreeyay la qaatay guddigii uu shalay magacaabay ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka golaha wakiilada Puntland.
Cabdiweli, ayaa kula dardarmay guddiga oo ka kooban toddobo xubnood iyo xog-haye in ay si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegaan shacabka Puntland, ayna ka shaqeeyaan sidii Puntalnd u heli lahayd gole wakiilo oo hoggaamiya masiirka shacabka Puntland.
newsinside"Waxaa Sharaf weyn ii ah maanta in aan dad weynaha reer Puntland u soo bandhigo guddigii aan magacaabay shalay, Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Puntland ee 2019-2023, waxaan halkaan ku soo xulnay dad Soomaaliyeed, Puntlandrs ah, wadaniyiin ah, odeyaal ah, khibrad leh oo aan isleeyahay dadweynaha reer Puntland meelkasta ay joogaan way ku kalsoonaan karaan wayna soo dheweynayaan, waxaan ugu yeerey inaan la dar daarmo in ay wanaag, hufnaan iyo cadaalad ku shaqeeyaan, aan kala dar daarmo culeyska shaqada ay hayaan in ay tahay masuuliyad dadka reer Puntland oo dhan ay dhowrayaan, inaan ugu ducayno in shaqadooda Alle u fududeeyo." ayuu yiri madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas.
Guddigan ayaa markii uu madaxweynaha Puntland magacaaban, waxaa uu dhalaceyn kala kulmay qaar ka mid ah musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha iyo xata madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo isna guddi kale magacaabay, waxa ay dhammaantood sheegeen inuusan madaxweynaha wax tallogalyo ah ka siin magacaabiista guddigan.
Doorashada madaxweynaha ayaa lagu ballansanyahay inay ka dhacdo Puntland siddeeda bisha Jannaayo ee sanadka 2019-ka, balse dad badan waxay walaac ka muujinayaan khilaafka ka taagan magacaabiista guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka.




