4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 15, 2017
Wasiiro iyo xubno ka tirsan beesha caalamka oo gaaray magaalada Jowhar

 

Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw maanta ah gaaray magaalada Jowhar wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka kuwaa oo la filayo in maalinta berri ah goob joog u ahaadaan doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Wafdiga dowladda Federaalka ka socday waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, waxaana la socday Wasiirka Amniga, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta iyo xubno kale.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa wafdiga halkaa gaaray xubno ka socday urur gobolleedka IGAD iyo African Union.

Agaasimaha joogtada wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Xasan Azhari ayaa sheegay dowladda federaalka in ay taageeri doonto madaxweynaha ay doortaan xildhibaanada Hirshabeelle.

Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay Dowladda Federalka dhexdhexaad ka tahay doorashada, islamarkaana aysan jirin Musharax gaar ah oo ay taageersan tahay.

Qaar ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa horay u sheegay in dowladda federaalka taageero siineyso musharixiin gaar ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]