4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2017
Dadkii Soomaalida ahaa ee lagu dilay deegaanka Hawadaay oo Aas Wadareed loo sameeyay

Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Magaalada Jigjiga ayaa lagu waramayaa in Aas Wadareed loogu sameeyay ilaa 28 ruux oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay deegaanka Hawadaay ee Bariga Itoobiya.

Aaska loo sameeyay dadkan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu ugu horeeyo Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal uu halkaas ka jeediyay dilka ku eedeeyey ismaamulka Oromiya.

Sida uu sheegay la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda Maxamed Bille Xassan, waxaa jira labo xabaalood oo kale oo qodan oo lala sugayo meydad las oo wado.

Dadka lafahooda lasoo baxsaday waxaa ka mid ah Axmed Maxamuud Ciise oo isaga oo ku sugan magaalada JigJiga u waramay BBC-da, wuxuuna yiri "Anaga oo aanan waxbo iska jireynin ayaa waxaa na soo weeraray ciidamada booliiska Oromada iyo dhalinyaro faashash ku hubeysan, inankii oo markaas suuliga aaday ayeey ku dageen.

Waxaa uu sheegay Axmed Ciise oo walaalkii goobta lagu dilay in uu arkay meydadka illaa 50 qof oo Soomaali ah.

Waxa uu intaas ku daray in magaalada Hawaday ee dhibku ka dhacay uu arrimo ganacsi u joogay muddo 20 sanno ah, islamarkaasina uusan dib ugu laaban doonin ebed.

Dhinaca kale afhayeen u hadlay ismaamulka Oromiya oo lagu magacaabo Adisu Arega ayaa BBC-da u sheegay in dadka dhintay ay dhanyihiin 18 qof, kuwaas oo uu sheegay in 12 oo kaliya ay Soomaali yihiin, halka 6-da kale ay Oromo yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]