Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiiya oo ka digtay qaadka Awaday ee Oromadda in la cunno
Jimco, September 15, 2017 (HOL) –Dawlad deegaanka Soomaalidda
Itoobiya ayaa dadka Soomaalidda uga digtay in ay maraan jidka u dhexeeya
Jigjiga iyo Addis Ababa oo ah deegaannadda Oromadda.
Dawladda deegaanka Soomaalidda
Itoobiya waxay sheegtay in qofkii deegaanada Soomaalidda ka tagaya ee Addis u
socda uu diyaaradda raaco, hadii uu Addis Ababa joogana uu diyaaradda ka soo raaco,
maadaama oo jidkaasi Oromada ee la mari jiray halis u tahay qowmiyadda
Soomaalidda oo deegaankaasi laga diidan yahay.
Sidoo kale, waxay dadweynaha
Soomaalidda uga digeen in ay cunaan Qaadka Awadayga loo yaqaan oo uu sheegay in
la sumeeyey,isla markaana in ka badan 23 qof u sumeemeen qaadkaasi, qaarkoodna
u geeriyoodeen.
“23 qof ayaa u sumoobey qaad ay
cuneen, markii aanu baadhnay waxaanu ogaanay in uu ahaa Qaadka Awaday oo la soo
sumeeyey si soomaalidda loogu laayo, sidaas darteed bulshadda Soomaalidda
waxaan leeyahay ha cunina qaadkaasi, qofkii cunaa markiiba beerka goo’goya shan
daqiiqaana nafta kaga baxaysa”ayuu yidhi Axmed Maxamed Koore oo ah wasiirka
xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI.
Dhinaca kale, guud ahaan
Somaliland waxa dhuumasho ku joogoo oo ganacsigii ay lahaayeen gabi ahaanba
joojiyey Qowmiyadda Oromadda ee Soomaaliland ku sugan, kuwaas oo ka qabsi qaba in
loogu aaro, iyadoo habeen horaba laba ka mid ah Oromadda Hargeysa duleedkeedda
lagu dilay iyagoo usii baxsanaya dhinaca Itoobiya.
Inta badan waxay magaaladda
Hargeysa ku leeyihiin meheraddo casri ah oo Timo xiiro ah ama Ra’islayaal,
haseyeeshee ilaaa laba cisho meheraddii way xidhan yihiin, waxaanay ku
dhuuminayaan guryahoogii, halka Oromaddii suuqyadda dhex dawarsan jiray gabi
ahaanba la waayey oo iyaguna cabsi soo gashay.
Xukuumadda iyo dadka ehlu caqliga
ayaa warbaahinta ka sheegay in dadkaasi martidda ah aan la waxyeelayn,isla
markaana shakhsiyaadka Soomaalida ku leeyahay Hawaday aan loo qabsan Karin kuwo
masaakiinta ah ee wadankeena dhex jooga ee martidda u ah shacabka Somaliland.
Sidoo kale, Jaadkii ka iman jiray
Hawaday ee Itoobiya ayaa gabi ahaanba dalka iman,waxaana ganacsataddii jaadka
keeni jiray u leexdeen dhinaca Kenya oo ay diyaaraddo ku keeneen jaadka
Miirooga loo yaqaan, hasse ahaatee inta badan reer Somaliland jaadkaasi ma
cunaan, taas oo wakhti ku qaadanaysa in ay la qabsadaan cunistiisa.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland