4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 15, 2017
Hirshabeelle oo doorasho madaxweyne isku diyaarineysa maalinta Berri ah

 

Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Maalinta Berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 16ka September ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle.

Ilaa 8 musharax ayaa ilaa iyo hadda isku soo taagan qabashada xilkan madaxweynaha maamulka kuwaa oo kala ah Cabdi Faarax Laqanyo oo horay u soo noqday guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdinaasir Xaaji Shircaw oo ah siyaasi dhinaca kalana la soo shaqeeyay hay’addo caalami ah, Cabdiraxmaan Cabdi Waare oo markii labaad u tartamaya xilkan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo marar is xig xigta soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdiraxmaan Xusseen Cadoow oo ah Aqoonyahan ku cusub siyaasada, Eng Cabdikariin Cali Nuur oo ka tirsan baarlamaanka Hirsabeelle, Daahir Cabdulle Cawaale iyo Maxamed Caruush Diiroow.

Musharixiintan ayaa dhamaantood ku wada sugan magaalada Jowhar waxeyna khudbadahooda wax qabad ka hor jeediyeen baarlamaanka Hirshabeelle, iyadoo mid walba uu soo bandhigay qorshihiisa siyaasadeed ee uu ku haggi doono Hirshabeelle haddii uu xilkan ku guuleysto.

Ol’ Ole aad u xiiso badan ayaa ka socda magaalada Jowhar waxaana mid walba oo ka mid ah musharixiintan uu xusul duub adag ugu jiraan sidii uu u heli lahaa codadka ugu badan ee xildhibaannada doorashada maalinta Berri ah dhaceysa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]