3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 15, 2017
Dowladda Waqooyiga Kuuriya oo Tijaabisay Gantaalkeedii Tobanaad

 

Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa aroornimadi hore ee Jimcaha maanta ah tijaabisay gantaal kale oo ay dul marsiisay hawada Japan, maalmo yar kadib marki ay Qaramada Midoobay saartay cunaqabateyn dhaqaale.

Xoghayaha golaha Wasiirada Japan Yoshihide Suga, ayaa sheegay in gantaalka oo laga soo tuuray degmada Sunan ee caasimadda Pyongyang uu dul maray jaziiradda Hokkaido ee waqooyiga Japan.

Mr. Suga ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali karin daandaansiga soo noqnoqday ee kaga imanaya Kuuriyada Waqooyi, isla markaana ay aad uga careysanyihiin arrintani.

Sida uu sheegay TV-ga Qaranka Japan ee NHK, digiin ku aadan gantaalka ay ridday Kuuriyada Waqooyi ayaa la siiyay shacabka ku nool magaalada Kamaishi, saakay saacadda Japan marki ay aheyd 7:00 AM aroornimo.

Millatariga Kuuriyada Koofureed ayaa sheegay in gantaalkani uu gaarayo 3,700 oo km taasoo micnaheedu yahay inuu duqeyn karo jasiiradda Guam ee dhacda galbeedka Baasifiga ee uu maamulo Mareykanka.

VOA

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/15/2017 2:07 PM EST
Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw maanta ah gaaray magaalada Jowhar wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka kuwaa oo la filayo in maalinta berri ah goob joog u ahaadaan doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

9/15/2017 11:11 AM EST
Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Magaalada Jigjiga ayaa lagu waramayaa in Aas Wadareed loogu sameeyay ilaa 28 ruux oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay deegaanka Hawadaay ee Bariga Itoobiya.

9/15/2017 7:58 AM EST
Jimco, September, 15, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Bosaaso ka dib mudo todobaadyo ah oo uu ku maqnaa dalka Sacuudiga ,halkasi oo uu ku soo gudanayay acmaasha xajka.

9/15/2017 7:55 AM EST
Jimco, September, 15, 2017 (HOL) –Wafdigii uu horkacayay Madaxweynaha ayaa markii ay gaareen magaalada Doolow waxaa garoonka diyaaradaha si diiran ugu soo dhaweeyay ...

9/15/2017 5:57 AM EST
Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Qarax ayaa lala beegsaday tareen ka mid ah kuwa London ee dhulka hoostiisa mara, waxaana lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah rakaabka tareenkaasi ay ku dhaawacmeen.

9/15/2017 5:14 AM EST
Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Wafdi ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Jubaland oo uu horkacayo Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa goordhow ka duulay garoonka diyaaradaha ...

9/15/2017 4:50 AM EST
Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Dawladda Tunuusiya ayaa markii ugu horeysay meesha ka saartay sharci dumarka u diidayay in ay guursadaan ragga aan muslimiinta ahayn.

9/15/2017 4:41 AM EST
Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Ciidamada xasilinta ayaa boqolaal dhalinyaro ah ku qab qabtay howlgal culus oo saacadihii aynu soo dhaafnay ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

9/15/2017 3:52 AM EST
Jimco, September 15, 2017 (HOL) –Dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya ayaa dadka Soomaalidda uga digtay inay maraan jidka u dhexeeya Jig-jiga iyo Addis oo ah deegaannadda Oromadda.

9/15/2017 2:12 AM EST
Jimco, September, 15, 2017 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa hadalkaas shalay ka sheegay mar uu ka qeyb-galay Bandhigga Caalamiga ee Buuggaagta ee ka socda Magaalladda Muqdishu.

9/15/2017 1:48 AM EST
Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Sanduuqa hormarinta Abu Dubai ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya uu siinayo lacag dhan AED330 Million oo u dhiganta ($89.8 million), taasi oo uu sheegay in uu uga qeyb qaadan doono hormarka ka socda Soomaaliya.

9/15/2017 1:15 AM EST
Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Maalinta Berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 16ka September ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle.

9/15/2017 1:00 AM EST
Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Sheybaarkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa la sheegay in lagu baari doono Kiisaska la xiriira Kufsiga kaddib markii uu maamulka Puntland meel mariyay sharci ciqaab dul dhigaya kuwa gala danbiyada la xiriira Kufsiga.