Jimco, September, 15, 2017 (HOL) –
Dawladda Tunuusiya ayaa markii ugu horeysay meesha ka saartay sharci dumarka u
diidayay in ay guursadaan ragga aan muslimiinta ahayn.
Arrintan ayaa timid bil kaddib
markii madaxweyne Beji Caid Essebsi uu ku baaqay in meesha laga saaro
sharcigaas.
Hadalkaas ayuu ku soo daray
khudbaddii uu ka jeediyay maalinta Qaran ee dumarka dalkiisa.
Markii madaxweynaha Tunuusiya uu ka
hadlayay in sharcigan meesha laga saaro wuxuu ku macneeyay in uu caqabad ku
noqday xoriyaddii xulashada lamaanaha.
Sharcigan hadda la laalay ee dumarka
Tunuusiya u diidayay in ay guursadaan ragga aan Muslimka ahayn wuxuu soo jiray
tan iyo sannadkii 1973dii, haddana waxaa meesha ka saaray wasiirka caddaaladda.
Hadda ka dib ragga aan muslimka
ahayn loogama baahno shahaado caddaynaysa in ay Muslimiin, marka ay rabaan in
ay guursadaan dumarka Tunuusiya.
Dad badan oo reer Tunuusiya ah ayaa
arrintan iyo sharciyo kale oo isbadal lagu sameeyay u arka tallaabo horrumar ah
oo loo qaaday dhanka xuquuqda dumarka ee dalkaas.
Biishii Luulyo ee sannadkan
baarlamaanka Tunuusiya ayaa soo saaray sharci cusub oo dumarka ka difaacaya
kufsiga iyo shaqaaqadaha kale ee guryaha ka dhaca.
Waxaa sidoo kale dastuurka laga
saaray qaybtii ragga kufsiga gaysta ciqaabta ka saamaxaysay haddii ay
guursadaan gabadhii ay faraxumeeyeen.
BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]