4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 15, 2017
Qarax lala eegtay Tareen dhulka hoostiisa mara magaalada London

 

Jimco, September, 15, 2017 (HOL) – Qarax ayaa lala beegsaday tareen ka mid ah kuwa London ee dhulka hoostiisa mara, waxaana lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah rakaabka tareenkaasi ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa dhacay 08:20 xilliga London, waxaana booliska iyo howlwadeennada caafimaadka ay gaareen goobta uu ka dhacay oo ah boosteejada Parsons Green ee Fulham.

Boosteejada ayaa la xiray, halkaasoo ciidamo fara badan la geeyay, wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Booliska.

Sawirro laga soo qaaday tareenka ayaa muujinaya in xajmiga qaraxa uu koobnaa, oo aanu geysan burbur muuqda.

 

Warbaahinta UK ayaa soo tabanaya in dhacdadan ay dhalisay dareen iyo feejignaan ku aadan qatarta kooxaha argagixisada ka imaaneysa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]