Wafdi ka socday Gudiga Amniga iyo nabadgelyada Midowga Afrika oo gaaray magaalada Kismaayo
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) –Wafdigan oo uu horkacayay gudoomiyaha gudiga amniga iyo nabadgelyada Midowga Afrika Ndumiso Ntshinga ayaa markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan.
Wafdigan oo ah kii ugu ballaarnaa ee ka socda Midowga Afrika ee Kismaayo yimaada ayaa waxaa qeyb ka ahaa dhammaan safiirada 15-ka dal ee xubnaha ka ah ururkaasi.
Soo dhaweyn kadib waxa ay masuuliyiintani oo uu wehlinayo madaxweeyne kuxigeenka ay booqdeen xarumo lagu tababarayo ciidamada Booliska Soomaaliyeed qeybtooda Jubaland, ayagoo intaa kadib la geeyay guriga Martida ee magaalada Kismaayo, halkaa oo ay kulan kula qaateen Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam.
Madaxweeynaha Jubaland oo kulanka markii uu soo idlaaday warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Masuuliyiintan ay ka wada hadleen arimo ku saabsan amniga, isagoo sheegay in sidoo kale ay ka wada hadleen sidii ay Midowga Afrika uga qeybqaadan lahaayeen dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha gudiga amniga iyo nabadgelyada Midowga Afrika Ndumiso Ntshinga ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay nabadda iyo horumarka ka jira magaalada Kismaayo, isagoo xusay in ujeedka safarkooda ahaa sidii ay madaxda Jubaland ugala hadli lahaayeen in la dardar gelin lahaa nabadgelyada, islamarkaana looga qeybqaadan lahaa dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliya.
Imaatinka wafdigan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaliya ay wado dadaallo la doonayo in dib loogu dhiso ciidamadii qaranka Soomaaliyeed, si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Madaxweynaha Hirshabeelle iyo bahda waxbarashada gobolka oo kulmay
- Guddoomiyaha degmadda Wanlaweyn oo ku dhaawacymay dagaal
- Madaxweyne Siilaayo oo la kulmay macalin loo xiray in ay isku magac yihiin
- Nin ka tirsanaa wasaaradda Waxbarashada oo caawa lagu dilay magaaladda Muqdishu
- Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka codsaday Ra’iisal Wasaaraha in uu wax ka bedelo golaha wasiiradda (Warqad Furan)
- Shir madaxeedkii urur gobolleedka IGAD oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi
- Puntland oo maanta ka gudub-tay Nidaamka Qabaliga ah, una Gudubtay Nidaamka xisbiyada Siyaasadeed
- Haween ka tirsan Ururada Bulshadda ra’yidka oo soo dhaweeyay Xukuumadda cusub kana dalbaday Barlamaanka in uu ansaxiyo
- Madaxweynaha Hirshabeelle oo sheegay in hoos loo daadajinayo awooda maamulka + Video
- Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Galmudug oo ilkaha laga riday
- Weerar lagu dilay xoghayihii degmada Wadajir oo goor dhaw ka dhacay Muqdisho
- Shirkada DP World oo biyo dhaamin ka bilaawday deegaanno hoostaga gobolka Saaxil Soomaaliland
- Shil gaari oo Khasaare sababay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Roobabkii xiliga Gu’ga oo ka curtay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya
- Burcad badeed Soomaali ah oo doon ku afduubtay xeebaha Puntland
- Mareykanka oo ka hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab
- Hindise sharciyeedkii caafimaadka Trump oo guuldarystay
- Shir madaxeedkii urur gobolleedka IGAD oo maanta ka furmaya Nairobi