3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 25, 2017
Weerar lagu dilay xoghayihii degmada Wadajir oo goor dhaw ka dhacay Muqdisho

 Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Rag hubeysan ayaa goor dhaw oo maanta ah ku dilay degmada Wadajir xoghayihii guud ee degmada oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Sheekh Axmed Calasoow, waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amniga ku raad joogaan sida uu hadalka u dhigay kooxihii dilka ka danbeeya oo goobta ka baxsaday.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo sidoo kale dhacdadan ka hadlay ayaa sheegay in labada mas’uul gaari ay wateen lagu horgooyay gaari kale kaddib-na rasaas lagu furay, taasoo keentay dhimashada xoghayaha iyo dhaawaca guddoomiye waaxeedka.

Ugu danbeyntii, dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal is daba joog ah oo waayadii ugu danbeeyayba ka dhacayay qeybo kala gadisan oo caasimada ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/25/2017 2:33 PM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa kulan la yeeshay bahda waxbarashada gobolka oo ay ka wada hadleen hormarinta iyo is dhaxgalka bulshada.

3/25/2017 2:09 PM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha degmadda Wanlaweyn, ayaa lagu dhaawacay dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya.

3/25/2017 2:02 PM EST
Sabti, Maarso ,25, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay shalay macalinkii loo xiray magaca madaxweynaha isku mid noqoteen ee isna magaciisa la yidhaahdo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

3/25/2017 1:42 PM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Koox hubeysan oo watay mooto ayaa la sheegay in caawa degmadda Waaberi ay ku dileen nin magaciisa lagu soo gaabiyay Shiine, oo la sheegay in uu la shaqeynayay wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.

3/25/2017 1:33 PM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaliyeed Maxamed Cismaan jawaari, ayaa ku booriyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, in dib-u-eegis uu ku sameeyo, golaha wasiiradda ee uu dhawaan magacaabay, kadib markii 105 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka ay soo jeediyeen in golala wasiirada uu dib-ula noqdo Xasan Cali Kheyre.

3/25/2017 1:28 PM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) –Wafdigan oo uu horkacayay gudoomiyaha gudiga amniga iyo nabadgelyada Midowga Afrika Ndumiso Ntshinga ayaa markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan.

3/25/2017 1:11 PM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa goor dhaw oo maanta ah lagu soo gabagabeeyay shir madaxeedka urur gobolleedka IGAD oo si gaar ah diirada loogu saaray xal u helida arrimaha la xiriira qaxootiga Soomaalida.

3/25/2017 10:02 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Garowe ku Daah-furay nidaamka fursashada xisbiyada badan ,kaasi oo maamulka Puntland uu ka soo shaqaynayay sanooyinkii la soo dhaafay.

3/25/2017 9:42 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) –Dumarka ka tirsan bulshada ra’yidka ayaa maanta shir jaraa’di ku qabtay magaaladda Muqdisho waxa ayna soo dhaweeyeen Xukuumadda uu hogaaminayo Xasan Cali Kheyre Ra’isul wasaarah Soomaaliya Haweenkan ayaa dowladda uga mahad celiyay kaalinta muuqda ee laga siiyay golaha wasiiradda waxaayna sheegeen in ay wanaagsan tahay in qeybaha kale ee dowladda Sida xilalka lasku magacaabo iyo kuwa lasku doorto door libaax leh laga siiyo.

3/25/2017 9:41 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosobole iyo xubno ka tirsan gollaha wasiirada maamulka oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa sheegay in awood maamulka hoos loo daadajin doono.

3/25/2017 8:11 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) –Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta gacan ka hadal uu ku dhex-maray kullankii Baarlamaanka uu ku lahaa magaaladda Cadaado.

3/25/2017 6:36 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Shirkada saddexaad ee ugu weyn aduunka dhinaca baddaha ee DP World ayaa sheegtay Jimcihii shalay in deegaannada Soomaaliland oo ay abaartu ku dhufatay ka bilaawday bixinta gargaar biyo ah oo dhan 4.5 million oo Liitar.

3/25/2017 4:14 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) -Ugu yaraan 10 ruux ayaa dhaawacmay, kadib markii Gaari Nooca Homey-da ah uu ku rogmaday Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan, sida goob-joogayaal ay Hiiraan Online u sheegeen.

3/25/2017 4:06 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Iyadoo guud ahaanba dalka ay ku dhufatay abaar saameyn adag ku yeelatay dadka iyo duuniyada, ayaa hadana dhinaca kale qeybo ka mid ah gobollada dalka waxaa laga soo sheegayaa in ay ka curteen roobabkii xiliga Gu’ga.

3/25/2017 3:57 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) -Koox burcad badeed Soomaali ah, ayaa afduubtay doon la yiraahdo Caseer Two oo mareysay meel u dhow degmadda Ayl.

3/25/2017 3:41 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Taliyaha taliska Maraykanka Africa ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in la siiyo awood dheeraad ah si ay dagaal toos ah ugu qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalama Soomaaliya.

3/25/2017 3:10 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Donald Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga ayaa guuldarro kala kulmay in la bedelo barnaamijkii adeega caafimaadka ee Obamacare, kaasoo uu horay u balanqaaday inuu meesha ka saari doono intii uu ku guda jiray ololihii doorashada.

3/25/2017 1:18 AM EST
Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) - Magaalada Nairobi ee xarunta u ah dalka Kenya waxaa maanta ka furmaya shir madaxeedkii urur gobolleedka IGAD oo ajandihiisa ugu weyn uu noqonayo arimaha qaxootiga iyo xaalada Bani’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya.