4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 25, 2017
Burcad badeed Soomaali ah oo doon ku afduubtay xeebaha Puntland

 

Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) -Koox burcad badeed Soomaali ah, ayaa afduubtay doon la yiraahdo Caseer Two oo mareysay meel u dhow degmadda Ayl.

Doonta waxaa la sheegay in ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah, waxaana ay kusoo jeeday deegaanadda Maamulka Puntland.

Shaqaalihii saarnaa doonta, oo tira ahaan gaarayay 10, una dhashay dalka Yemen, ayaa la sheegay in laga dejiyay doonta.

Saraakiisha ciidamadda badda, ayaa sheegay in doonta ay afduubteen kooxda Burcad badeeda, ay suuragal tahay in ay u isticmaalaan, weerarada ay ku qaadayaan maraakiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya.

14 bishaan Maarso, Burcad badeed Soomaali ah ayaa afduubtay  Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah, oo marayay Badweynta India, iyagoona lasoo aaday Xeebaha Degmada Caluula ee Puntland, inkasoo wada hadal ka dib, markii dambe lasii daayay Markabka.

Hassan Istiila
Mogadishu,Somalia