4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 25, 2017
Hindise sharciyeedkii caafimaadka Trump oo guuldarystay

 Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Donald Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga ayaa guuldarro kala kulmay in la bedelo barnaamijkii adeega caafimaadka ee Obamacare, kaasoo uu horay u balanqaaday inuu meesha ka saari doono intii uu ku guda jiray ololihii doorashada.

Hindise sharciyeed uu soo diyaariyay oo ku saabsanaa daryeelka caafimaadka ayaa heli waayay taageeradii uu uga baahnaa Aqalka Congress-ka, si loo horgeeyo.

Donald Trump ayaa sheegay inuu la yaabay, kana niyad jabay sharci la doonayay in lagu bedelo adeega caafimaadka ee Obamacare.

Waxaa uu ku eedeeyay Xisbiga Dimoqraadiga inay ka dambeeyaan fashilka ku yimid hindise sharciyeedkiisa uu doonayay in lagu bedelo kii Obamacare ee horay loo meel mariyay.

Ugu danbeyntii, xisbigiisa Jamhuuriya ayaa dib ula laabtay hindise sharciyeedka, ka hor inta uusan u codeyn, iyadoo ay cadaatay inuusan heysan taageero.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]