4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 25, 2017
Madaxweynaha Hirshabeelle oo sheegay in hoos loo daadajinayo awooda maamulka + Video

 

Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosobole iyo xubno ka tirsan gollaha wasiirada maamulka oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa sheegay in awood maamulka hoos loo daadajin doono.

‘’Waqti badan kuma lumin doonno in aan Jowhar ku uruursanaanno, nidaamka federaalka hoos ayaan u daadajin doonnaa laga bilaabo saacadan, waxaan rabaa in aan idin sheegno magaalada Beledweyne waxaa ka shaqeyn doona dhamaan xarumaha wasaarradaha oo ay ka faa’ideysan doonaan dhalinyarrada wax baratay’’ ayuu yiri madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo ka hadlayay munaasabad soo dhaweyn ah loogu qabtay xarunta maamulka gobollka.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa intaa ku darray in magaalada Jowhar ay ku shaqeyn doonaan xubno kooban oo golle wasiiro ah, hasse ahaatee shaqada wasaarradaha intooda badan loo soo wareejin doono sida uu hadalka u dhigay magaalada Beledweyne.

‘’Ma rabno in qof kasta oo shaqo doon ah uu Jowhar tago, halkan [Beledweyne] ayeey ka shaqeyn doonaan inta badan wasaarradaha maamulka si dadka looga faa’ideeyo’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Socdaalka ayaa noqonaya kii labaad oo magaalada Beledweyne uu ku tago madaxweynaha maamulka Hirshabeelle tan iyo markii xilka loo doortay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]