4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 25, 2017
Shir madaxeedkii urur gobolleedka IGAD oo maanta ka furmaya Nairobi

 Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) - Magaalada Nairobi ee xarunta u ah dalka Kenya waxaa maanta ka furmaya shir madaxeedkii urur gobolleedka IGAD oo ajandihiisa ugu weyn uu noqonayo arimaha qaxootiga iyo xaalada Bani’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya.

Shirka waxaa Soomaaliya uga qeybgallaya wafdi uu horkacayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi.

Marka laga soo tago ka qeybgalka shirka madaxweyne Farmaajo ayaa fursad u heli doona kulamo uu la qaadan doono madaxda wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, sida Uganda, Jabuuti, iyo Itoobiya oo dhamaantood ka qeybgallaya shirka.

Kulanka oo noqonaya mid hal maalin ah ayaa la filayaa in la soo gabagbeeyo galabta, waxaana laga soo saari doonaa warmurtiyeed la xiriira xaaladaha Qaxootiga iyo sidoo kale Abaaraha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]