4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 25, 2017
Shirkada DP World oo biyo dhaamin ka bilaawday deegaanno hoostaga gobolka Saaxil Soomaaliland

Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Shirkada saddexaad ee ugu weyn aduunka dhinaca baddaha ee DP World ayaa sheegtay Jimcihii shalay in deegaannada Soomaaliland oo ay abaartu ku dhufatay ka bilaawday bixinta gargaar biyo ah oo dhan 4.5 million oo Liitar.

Qeybinta biyahan ayaa waxaa ka qeybqaadan doona 410 booyadood, waxaana lagu wadaa in la gaarsiiyo 15, 000 oo ruux oo ku dhaqan deegaanno hoostaga gobolka Saxil.

Gargaarkan ay ku deeqday shirkadda ayaa imanaya wax ka yar bil kadib markii ay la wareegtay maamulka dekeda Berbera.

In ka badan 1.6 milyan oo ruux ama 46% boqolkiiba dadka ku dhaqan Soomaaliland ayaa lagu waramayaa in ay saameyn adag ku yeelatay abaarta oo qalajisay ceelashii ay dadka ka cabi jireen, beerihii ay dadku tacbanayeen iyo xoolaha oo intooda badan dhibatay.

‘’Howlgalkan ayaa qeyb ka ah wax ka qabashada dadka gargaarka u baahan ee ku dhaqan deegaannada hoostaga gobolka Saxil. Ayuu yiri madaxa shirkadda DP World / CEO Ahmed Bin Sulayem.

Gargaarkan ayaa noqonaya biyihii ugu badnaa ee loo diro dadka ay abaarta saameysay ee ku dhaqan deegaanno ka tirsan Soomaaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]