4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 25, 2017
Shil gaari oo Khasaare sababay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

 

Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) -Ugu yaraan 10 ruux ayaa dhaawacmay, kadib markii Gaari Nooca Homey-da ah uu ku rogmaday Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan, sida goob-joogayaal ay Hiiraan Online u sheegeen.

Shilka gaariga ayaa la fahansanyahay in uu sababay, xawaaraha uu gaariga ku socday iyo wadooyinka oo aan wanaagsaneeyn.

“Dadkii ku dhaawacmay shilka qaarkood aad ayaa xaaladooda caafimaad looga deyrinayaa, waxaana dhaawacyadooda uu u badanyahay jajab”, sidaasi Cabdi Maxamed ayaa Hiiraan Online u sheegay.

Shilalka gawaarida ee magaaladda Muqdishu ka dhacay, ayaa sanadadii lasoo dhaafay soo yaraanayay, kadib markii laamiyada magaaladda Muqdishu intooda badan dib-u-dayactir lagu sameeyay.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia