4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 24, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya oo warbixin siiyay shirka gollaha amaanka

 Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabudallaahi Farmaajo ayaa isaga oo ku sugan magaalada Nairobi waxaa uu  khadka isgaarsiinta leyska arko uga qeyb-gallay shirka gollaha amaanka oo looga hadlay xaalada bani'aadannimo ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn sheegay in doorashooyinkii dhawaan ka qabsoomay dalka si nabad ah u dhaceen, isaga oo intaa ku darray in taariikhda inta la xasuusto haweenka Soomaaliyeed baarlamaanka ku leeyihiin 30%.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa gollaha amaanka u sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida siiyaan gollaha wasiirada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay.

‘’Waxaan rajo wanaagsan ka qabaa in baarlamaanka uu meel marin doono gollaha cusub ee wasiirada si aan wada jir u bilaawno howsha la dagaalanka abaarta darran ee dalka ka jirta’’ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mar uu soo hadal qaaday saameynta abaarta ayuu sheegay in kala bar shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan xaalad bani’aadannimo oo darran, halka 15% ay la ildaran yihiin macaluul ka dhalatay abaarta, isaga oo ugu baaqay beesha caalamka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan arintan uga jawaabaan.

‘’Waxaan si naxriis leh u weydiisaneynaa dhamaan kuwa taageera aritan in ay gacan ka geystaan, ma’aha oo kaliya in ay Soomaalidu xasuusan doonto saacidaadiina, laakiin waxaa ay noqon kartaa arin taariikhi ah’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Ugu danbeyntii, kulanka xubnaha gollaha amaanka ayaa waqti kordhin loogu sameeyay howlgalka UNSOM ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]