4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 24, 2017
Hargeysa : Hooyo Fowsiyo Gaabo oo lagu qalay Ilmihii todobaad oo ay dhasho Video

 

Jimco, Maarso ,24 , 2017 (HOL) –Hooyo Foosiya Gaabo oo ka mid ah dadka gaagaaban ee ku dhaqan magaaladda Hargeysa ayaa lagu qallay cisbitaalka Gargaar ee magaaladda Hargeysa.

Foosiya Gaabo waxay caan ka tahay magaaladda, waxaanay nolol maalmoodkeedda ka samaysta dadweynaha magaaladda oo caawiya,isla markaana nin waliba waxa uu hayo uu siiyo.

Hooyo Foosiya Gaabo waa ilmihii todobaad ee lagu qalo,iyadoo ay adag tahay in ay si caadi ah u dhasho, waxaana dadweynaha aad uga naxaan markay arkaan iyadoo Uur leh oo caruurtii kalana garab socdaan si ay dadkaasi suuqa jooga ilaahay wax ugu soo dhiibo.

Dhakhtarka cisbitaalka Gargar Dr. Cabdiraxmaan Cali Mahdi (Aw Koombe) oo isagu si mutadawacnimo ah u fuliyey dhammaan qalliinnada Foosiya Gaabo ku dhashay carruurta, ayaa mar kale ku guulaystay qalliinka ilmahan toddobaad ee hooyadan danyarta ah ay dhasho.

 

Dr. Aw Koombe oo qalliinka hooyo Foosiya Gaabo uga warramay weriyayaal ku booqday cusbitaalka Gargaar, ayaa sheegay in xaaladdeeda caafimaad wanaagsan tahay, isla markaana ay ka soo kabanayso qalliinkaasi.

“Caawa  waxaannu qalliinkii toddobaad u samaynay Foosiya Gaabo oo caan ka ah magaaladan Hargeysa, waana hooyo danyar ah oo dayacan, annagu haddaanu nahay cusbitaalka Gargaar waxaannu samaynaa in aannu qaabilno qalliinkeeda, dawadeeda iyo jiifkeedaba, caafimaadkeeduna aad buu u fiican yahay iyada ilmaha yarba, halkan hadda waxaa la jooga dhammaan toddobada carruurta ah ee ay dhashay,” ayuu yidhi Dr. Cabdiraxmaan Aw Koobme.

Dr. Cabdiraxmaan Cali Mahdi waxa uu bulshada afka Soomaaliga ku hadasha dibad iyo gudaba ugu baaqay inay soo caawiyaan hooyo Foosiya Gaabo oo ah danyar aan waxba haysan, waxaannu yidhi, “Waxaannu ugu baaqaynaa dadka Soomaalida ah inay soo caawiyaan Foosiya Gaabo iyagoo ugu soo hagaajinaya lambarrada akoonadeeda, waana sababta aannu ugu soo bandhigayno warbaahinta si dadweynuhu uga qaybqaataan mucaawanada ay u baahan tahay hooyadan iyo carruurteedaba.”

Walaalaha Muslimiinta Ahow Caawinaya Walaasheen Foosiya...Haddaba, waxa laga codsanayaa dadweynaha muxsiniinta ah in wixii ay awooddaan ay ugu soo hagaajiyaan hooyo Foosiyo Gaabo hab-xisaabeed uga furan shirkadda Dahabshiil oo lambarkiisu yahay: DH 141950, iyadoo sidoo kalena ay kala xidhiidhi karaan haweenaydan telefannkeeda gacanta oo ah Telesom: 0633553860.......

Hooyo Foosiya Muuse Xasan (Foosiya Gaabo) oo ah gabadh ka mid ah dadka ugu gaagaaban Somaliland oo ah danyar ku nool dawirsiga suuqyada Hargeysa iyo kolba wixii taakulo ay ka hesho shacabka, ayaa lagu qalay ilmihii toddobaad ee ay dhasho.

Haddaba, waxa laga codsanayaa dadweynaha muxsiniinta ah in wixii ay awooddaan ay ugu soo hagaajiyaan hooyo Foosiyo Gaabo hab-xisaabeed uga furan shirkadda Dahabshiil oo lambarkiisu yahay: DH 141950, iyadoo sidoo kalena ay kala xidhiidhi karaan haweenaydan telefannkeeda gacanta oo ah Telesom: 0633553860.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.