4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 24, 2017
Dowladda Turkiga oo gargaar qeyb ka ah gurmadka abaaraha ka dajisay Muqdisho

 Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) – Dowladda Turkiga ayaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka dajisay hal tan oo gaar gaar cuno ah oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhibaateysa gobollada dalka Soomaaliya.

Gargaarkan oo ay ku deeqday hay’adda Bisha cas ee Turkiga ayaa waxaa lagu wareejiyay gudiga gurmadka Qaran ee abaaraha si markaa uu qeyb uga noqdo dadaallada lagu caawinayo dadka ay abaartu saameysay.

Raashinkan ayaa u badan nafaqada caruurta, madaama baqdinta ugu weyn ee la qabo tahay macaluul ka dhalatay nafaqo darro soo food saartay carruurta ku dhaqan ilaa 11 gobol oo ka mid ah 18ka gobol ee Soomaaliya, taa oo sababi karta marka danbe dhimasho baahsan.

Dowladda Turkiga ayaa dhawaan sheegtay in tan iyo sanadii 2011 ay Soomaaliya ku bixisay lacag dhan hal bilyan oo dollar.

Ugu danbeyntii, marka laga soo tago deeqdan ka timid dowladda Turkiga, dhinaca kale waxaa soconaya dadaalo kala duwan oo ay wadaan hay’addo caalami ah iyo dadka Soomaaliyeed ee ka damqanaya daruufaha nolaleed ee la soo darsay dadka abaartu saameyeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]