Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) –Madaxweynihii hore ee dalka
Masar Xusni Mubaarak ayaa xabsiga laga sii daayay, kaddib markii lagu waayay
dacwadihii lagu soo oogay.
Go'aanka sii deyntiisa ayaa yimid kaddib markii maxkamad ay ku weyday dacwado la xiriirinayo dilka
tobanaan dibed baxayaal ah oo ka qeyb qaadanayay mudahaaradyadii xukunka looga
tuuray sanadkii 2011.
Mubarak oo 88 sano jir ah ayaa lagu waayay dambigii ugu dambeeyay ee lagu
soo oogay oo ahaa dil kadib markii hore loogu waayay dambiyo ah musuqmaasuq iyo
xasuuq loo geysgey dad banaanbaxayay.
Qareenka Mubarak Farid El Deeb ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters
in uu haatan ku sugan yahay Mubarak guriga uu ku leeyahay Heliopolis oo ah
degmo ku taal meel aan ka fogeyn madaxtooyadii uu muddo soddon sano ah ka
maamulayay dalka Masar kadib markii laga saaray isbitaal ay ciidamada
Milatariga ku leeyihiin koofurta Qaahira halkaa oo lagu ilaalinayay.
Mubarak ayaa sanadkii 2012kii waxaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii
lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dil loo geystey dad tiradooda lagu sheeay 239
ruux oo ka mid ah banaanbaxayaal ka soo horjeeday dowladiisa.
Ugu danbeyntii, Mubarak ayaa sanadkii 2012kii waxaa lagu xukumay xabsi
daa’in kadib markii lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dil loo geystey dad
tiradooda lagu sheeay 239 ruux oo ka mid ah banaanbaxayaal ka soo horjeeday
dowladiisa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]