4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 24, 2017
Guddoomiyaha degmada Buula-burte oo eedeyn u jeediyay mas’uul ka tirsan maamulka G/Hiiraan

 Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha degmada Buula-burte Xassan Maxamed Ibraahim ayaa eedeyn culus u jeediyay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Hiiraan Axmed C/dalla Inji oo ku sugan degmada.

Guddoomiyaha degmada Buula-burte ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku-xigeenka in degmada uu ka abuuray sida uu hadalka u dhigay xiisad siyaasadeed iyo kicin bulsho, isaga oo bilaabay ayuu yiri magacaabista gudiyo aan lagu wargalin maamulka degmada.

‘’ Eedeynta aan u jeedineyno guddoomiye ku-xigeenka maamulka G/Hiiraan ayaa ah magacaabista xubno iyo guddiyo aan lagu soo wargalin maamulka degmada , sidoo kale waxaa uu warbaahinta ka sii daayay in uu shaqadii maamulka iga joojiyay sababo aan la aqoon ayuu yiri guddoomiyaha degmada Buula-burte.

Xassan Maxamed Ibraahim ayaa intaa ku darray in guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraan uu iskii u sameystay guddiyo ka shaqeeya gurmadka abaaraha , isaga oo ku wargaliyay in dhaqaallaha ay soo ururiyaan si toos ah loogu soo wareejiyo wareejiyo.

‘’Maamulka gobolka Hiiraan iyo dowlad gobolleedka Hirshabeelle waxaa weydiisaneynaa in ay arintan soo faragaliyaan, ‘ayuu yiri guddoomiyaha degmada Buula-burte oo la hadlayay warbaahinta gudaha.

Ugu danbeyntii, guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraan Axmed Inji kama uusan hadal waxa ka jira eedeymaha loo soo jeediyay.

Hiiraan Online News Desk