4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 24, 2017
Ciidamada Nabad sugida oo kala fur-furay Qarax la dhigay guri uu deganyahay Xildhibaan

 

Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) -Ciidamadda Nabad sugida maamulka Galmudug ee Soomaaliya, ayaa kala fur-furay, waxyaaba Qarax oo la dhigay iridka hore ee guriga Xildhibaan C/laahi Cumar Geseey.

Wariye ku sugan Magaaladda Cadaado,  ayaa Hiiraan Online u sheegay, in ciidamadda maamulka, ay dadka shacabka ku wargaliyeen qaraxa.

"Waxyaabaha Qarxa waxaa ay ku jireen daasada Caana-booraha lagu keeno, waxaana ay ka koobnaayeen Radio, tellphone iyo agab kale" Wariye Ahmed Khaliif, ayaa Hiiraan Online u sheegay. 

Saraakiisha ciidamadda ayaa wada baaritaan, waxaana lasoo sheegayaa in ciidamo la geeyay guriga Xildhibaanka.

Ma jiro war kasoo baxay, xildhibaanka gurigiisa Qaraxa la dhigay iyo masuuliyiinta laamaha ammniga maamulka.

Maamulka-gobolleedka  Galmudug, ayaa isku diyaarinaya doorashooyinka madaxweynaha, maadaama dhawaan uu is-casilay madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia