4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 24, 2017
Bambaanooyin lagu weeraray Guriga Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

 

Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) -Bam gacmeed ayaa xalay lagu weeraray guriga Xildhibaan Macalin Cali Aadan Cadoow, oo ku yaalla Xaafada Taleex ee Degmada Hodan ee Magaaladda Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay, in kooxihii weerarka fuliyay ay baxsadeen.

Lama shaacin, khasaaraha ka dhashay Qaraxyada. 

Masuuliyiinta ammniga dowladda  ayaa sameeyay howlgallo, waxaana la sheegayaa in ay dad ku soo qab-qabteen.

Ma jirto cid sheegtay masuuliyada weerarka.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia