Arbaco, Janaayo 14, 2015 (HOL) — Hal askari ayaa dhintey labo kalena way dhaawacmeen kadib markii caawa bam-gacmeed lagu tuuray bar-kantarool oo ciidamada boolisku ku leeyihiin isgoyska Afar-irdoodka ee magaalada Boosaaso.Weerarka ayaa dhacay xilli askartu ku mashquulsanaayeen baarista gawaarida, sida ay dad goob joogeyaal ahi warbaahinta u xaqiijiyeen.
Qaraxa kadib ciidamada ayaa furay rasaas qaddar daqiiqado ah socotey, mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo weerarka caawa dhacay ku saabsan oo kasoo baxay dhanka laamaha ammaanka.
Jimcihii lasoo dhaafay ayey ahayd markii sidan oo kale labo bam oo kuwa gacanta ah lagu tuuray saldhigga dhexe ee booliska degmada Boosaaso.
Weerarkaas oo labo askari iyo qof rayid ah dhaawac fududi kasoo gaarey, waxaa mas'uuliyaddiisa sheegtay al-Shabaab.
Taliyaha booliska gobolka Bari oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgal ciidamadu ka sameeyeen qaar kamid ah xaafadaha Boosaaso kusoo qabteen dhowr qof oo lala xiriirinayo weerarkii lagu qaaday saldhigga.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya