Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray wado & Xarun Caafimaad


Arbaco, Janaayo 14, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada C/casiis ay wehliyaan ayaa si wadajir ah xariga uga jaray maanta xarun caafimaad iyo jid dhex-martay degmada C/casiis oo dayactir lagu sameeyay.

Muun-gaab iyo mas’uuliyiintii la socday markii ay gareen degmada C/casiis ayaa waxaa ku soo dhaweeyay qaybaha bulshada iyo maamulka degmadaas, iyadoo guddoomiyuhu uu ku maray socod qaybo degmadaas ka mid ah oo ay ka socdaan mashaariic horumrineed oo uu ugu horreeyso dib u dhiska waddooyinka iyo xarumaha loogu adeegayo bulshada.

Intaa kaddib, guddoomiyaha degmada C/casiis, mudane Cismaan Muxyadiin Cali Cariif oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in mashaariicda lagu dhisay wadada iyo xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degmadaas ay maamulka gobolku gacan ka geysteen.

Ugu dambeyn, duqa magaalada Muqdisho oo hadlay ayaa xusay in maamulka degmada ay dadaallo badan u galeen dib u dhiska xarumaha danta guud, isagoo shacabka ka codsaday inay dardar-gelinta ololaha nadaafada ee dib loogu soo celinayo bilicdii Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee, maamulka gobolka Banaadir ayaa caasimadda ka waday qorshayaal uu ku horumarinayo bilicda Muqdisho, iyadoo maamulku uu horay u sheegay inay dib u soo celinayaan muuqaalkii ay lahaan jirtay Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya