Arbaco, Janaayo 14, 2015 (HOL) — Siyad Cali oo bishii November 2014-kii loo doortay guddiga maamulka waxbarshada magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa xalay loo dhaariyay xilkan horay loogu doortay.
Munaasabadda dhaarta muwaadinkan Soomaaliyeed oo ka dhacday xarunta waxbarashada ee Minneapolis ayaa waxaa kasoo qayb-galay dadwayne aad u fara badan; iyadoo madaxda waxbarashada Minneapolis ay xafladdan dhaarinta ku sugnaayeen, waxayna dhamaantood u hanbalyeeyeen Siyad Cali.
“Waxaan u doortay inaan u tartamo xilkan si aan uga qayb-qaato tayeynta waxbarashada magaaladana oo ay Soomaali badan ku nool yihiin, iyo sidoo kale inaan caawiyo oo garab iyo gaashaanba u noqdo carruurta Soomaalida ah ee wax-ka-barta iskuullada Minneapolis. Waxaa la sheegaa in ilmaheennu ku litaaan maadooyinka qaar, waxaana go’aansaday inaan ku dadaalo sidii ay u heli lahaayeen caawinaad,” ayuu munaasabadda ka sheegay Siyad Cali.
Sidoo kale, Siyad ayaa mahadceliyay shacabkii codkooda siiyay oo ka badnaa 10,000 oo qof, isagoo goobta ka sheegay inuu u ballanqaadayo inuu ugu adeegi doono sidii ay ugu doorteen xilkan.
Madaxa ururka waaliddiinta Soomaalida ku nool Ameerika, Maxamed Xasan Abgaalow oo loo yaqaan SAPA ayaa HOL waxay weydiisay waxa laga faa’iidi karo xilka Siyad Cali loo doortay inuu Soomaali yahay awgeed, wuxuuna ku jawaabay. “Waa qof matalaya oo og baahiyaheenna; waana waalid deggen MPLS, waxuuna og-yahay waxa magaaladeenna ka jira oo carruurteennu u baahan yihiin, sida meelahay ka liitaan oo la doonaoy in laga caawiyo..”
Waxaa isaguna hadlay Saciid Biixi oo ka mid ah waxgaradka MPLS, wuxuuna u sheegay HOL in Siyad Cali looga fadhiyo inuu hal-abuuro barnaamijyo ku aaddan ardayda Soomaalida ah ee MPLS. Kuwaasoo ay ka mid yihiin in loo helo xarumo laga caawiyo shaqada guriga (Home Work) waxa loo yaqaanno. Dhallinyaradeennu waxay u baahan yihiin in la mashquuliyo lana jecleysiiyo waxbarashada, isla markaanka looga digo xag-jirnimada waddada toosanna lagu hago.
“Qaarkeen waddanka waa ku cusub yihiin lamana qabsan, Qoysas cusub oo baa wali soo galaya Mareykanka, inkastoo kuwii hore u yimid dalkan waxna ku bartay ayay tahay inay la shaqeeyaan Siyad Cali iyo wasaaradda dhanka waxbarashada u qaabilsan gobolka si dadkeennu u horomaro,” ayuu Biixi u sheegay HOL.
Siyad Cali ayaa wuxuu noqonayaa muwaadinkii saddexaad oo Soomaali ah oo loo doorto xilkan, iyadoo sannadkii 2010-kii loo doortay marxuum Xuseen Samatar oo geeryooday bishii Ogoosto, 2013-kii. Waxaana Samatar kaddib xilka qabtay Maxamuud Nuur oo isagu Xil kale u tartamay sannadkii hore iyo Siyaad Cali oo hadda loo doortay loona dhaariyay xilkan.
Ugu dambeyn, goobta dhaarinta waxaa ku sugnaa xubno uu ka mid ahaa, madaxa degmada lixaad ee MPLS, Cabdi Warsame, xubnaha ururka dhallin-yarada KA-JOOG, ururka waaliddiinta SAPA, maamulaha dugsiga dhaxe ee International, Faysal Guuleed, Somali Citizens League, Inj. Jabril Afyare iyo xubno kale.
Siyad Said Salah, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Minneapolis Minnesota, USA






