Arbaco, Janaayo 14, 2015 (HOL) — Xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa cod aqlabiyad ah ku meel-mariyay in la sameeyo guddi baarlamaani ah oo la dagalama musuq-maasuqa, iyadoo tallaabadan ay kusoo beegmayso xilli madaxweynaha Somalia uu dhawaan shaaciyay in sannadkan 2015-ka uu noqonayo sanad ay la dagaalamaan musuq-maasuqa.
Dhismaha guddigan ayaa waxaa soo jeediyay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia iyadoo xildhibaannadu ay ka doodeen dhismaha guddigan iyo howlahiisa, waxaana doodda kaddib ay guddoonka baarlamaanku soo jeediyay in cod loo qaado in la sameeyo guddiga ilaalinta xasilloonida baarlamaanka iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa, waxaana ogolaatay dhsmaha guddigan161-xildhibaan, saddex xildhibaan ayaa diiday, hal xildhibaanna wuu ka aamusay.
“Natiijada codkii sameynta guddiga ilaalinta xasilloonida baarlamaanka iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa, waxay noqotay 161-xildhibaan oo HAA ku codeeyay, saddex MAYA ku codeeyay iyo hal xildhibaan oo ka aamusay, sidaa darteed sameynta guddigan waa ansax wixii manta ka dambeeya,” ayuu yiri Jawaari oo hadlay codyenta kaddib.
Intaa kaddib, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamad Sh. Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Somalia uu dalbaday in bishan 19-keeda oo Isniinta soo socota ku beegan laga dhigo xilliga xukuumadda cusub la horgeynayo baarlamaanka si ay kalsoonida u weydiisato, iyaguna ay u sheegeen inay go’aansadeen inay noqoto 17-ka bishan oo Sabtida soo socota ku beegan.
“Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia wuxuu soo weydiistay in bishan 19-keeda oo ku beegan Isniinta soo socota laga dhigo xilliga xukuuumadd ay kalsoonida weydiisanayso baarlamaanka Somalia, wadahadal dheer kaddib waxaan isla qaadnanay in xukuumadda la horkeeno 17-ka bishan oo Sabtida ku beegan illaa haddana wax jawaab ah kama hayno,” ayuu yiri Jawaari.
Dhanka kale, berri oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa inay xildhibaannada baarlamaanku ay sii amba-qaadaan dhageysiga akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka hanti-dhowrka guud ee Qaranka halka maalinta Sabtida ahna la filayo inay xildhibaannadu gudo-geli doonaan kalsooni-siinta xukuummadda cusub ee uu soo dhisay RW Sharma’arke.
Si kastaba ha ahaatee, lama oga sida uu ka yeeli doono ra'iisul wasaaraha go’aanka ay soo jeediyeen guddoonka baarlamaanka Somalia ee ah in xukuumadda kalsoonida loo qaado 17-ka bishan, waxaana sidoo kale aan la ogeyn inay heli doonto codka kalsoonida iyo in kale, maadaama ay jirto kala fikir-duwanaasho xukuumadda cusub oo u dhexeya xubnaha baalamaanka Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya