Arbaco, Janaayo 14, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaji Cumar Camey iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland ayaa manta galinkii hore gaaray degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ,waxaana wafdiga soo dhaweeyay inta badan bulshada degmadaas.
Ciidammo kuwa deegaanka ah oo isugu jira Puntland iyo kuwa maamulka Khaatumo ayaa aad u adkeeyay amniga degmada Buuhoodle oo dhawaan ay ka dhici doonto munaasabadda caleema saarka Garaad C/risaaq Garaad Soofe.
“Halkan waxaan u imid ka qayb-galka caleema saarka Garaadka iyo in waxgaradka gobolka aan kala hadlo arimo muhiim ah “ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey oo warbaahinta la hadlay markii uu gaaray Buuhoodle.
Sidoo kale waxaa maalmihii la soo dhaafay Buuhoodle ku sii qul-qulayay qaar kamid ah waxgaradka ugu caansan deeganada Soomaalidu dagto si ay uga qayb-galaan munaasbadan caleema saarka ah.
Garaad Cabdirisaaq ayaa badalaya aabihii Garaad Cabdulaahi Gaarad Soofe oo sanadkii hore ku geeriyooday magaalada Buuhoodle ,waxaana bilihii la soo dhaafay deeganaddaas ka socday qaban-qaabada munaasbadan.
Ugu danbayn, booqashada madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa noqonaysa tii ugu horeysay oo uu ku tago degmada Buuhoodle tan iyo markii loo doortay in uu madaxweyne ku xigeen ka noqdo maamulka Puntland.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]