
Arbaco, Janaayo 14, 2015 (HOL) — Hay’adda MSF ayaa sheegtay inaysan suurogal ahayn in gargaar deg-deg ah lala gaaro ay waxyeelladu kasoo gaartay qalalaasaha dhawaanahan ka taagan Waqooyi-bari dalka Nigeria, taasoo ay ugu wacan tahay halista halkaas ka jirta.
Kooxda Boko Haram ayaa dhawaantan waxay qabsadeen magaalada Baga, iyadoo goob-joogayaal ku sugan deegaankaas ay sheegeen in boqollaal qof lagu dilay halkaas.
MSF ayaa xustay in qiyaastii 5,000-qof ay maalmahan u carareen magaalada Maiduguri oo ah tan weyn gobolka ku yaalla Waqooyi-bari waddanka Nigeria , kuwaasoo ku biiraya nus-milyan qof oo horey uga barakacay dagaalka gobollada Waqooyi-bari Nigeria ka socday.
Sidoo kale, Hay’adda waxa ay sheegeysaa in xaaladda bini aadamnimo ay ka sii darayso, ayna ka walaacsan yihiin dadka dhibban oo aysan caawin karin xilligan oo ammaanka cabsi laga qabo.
Tirada dadka ka qaxaya deegaanka Baga iyo nawaaxigeeda ayaa sare u sii kacaysa, iyadoo kooxda Boko Haram ay ku sii baahayaan deegaankaasi, sida hay’adda MSF ay sheegtay.
Dhanka kale, afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo lagu magacaabo, Marie Harf ayaa sheegtay in ururka Boko Haram uu dhul ballaaran oo hor leh ka qabsatay gobolka.
Ugu dambeyn, Marie Harf ayaa tilmaamtay inaan la ogaan karin waxay ka sameynayaan deegaannada ay awoodda u leeyihiin inay maamulaan ee ku yaalla Waqooyi-bari ee dalka Nigeria.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Boko Haram ayaa tan iyo sannadkii 2009-kii waxay wadeen dagaallo ay kula jiraan ciidamada dowladda Nigeria, iyagoo ka qabsaday saldhigyo iyo deegaanno badan oo ku yaalla dalkaas.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya