
Arbaco, Janaayo 14, 2015 (HOL) — Raage-ceelle oo ka mid ah deegaannada hoos-tagta degmada Cadalle ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa waxaa ku dhuftay dabeylo xooggan shalay abaare 5:00 galabnimo, iyadoo shacabka degmadaas ay dalbadeen in gargaar lala soo gaaro.
Wararka laga helayo deegaankaas ayaa xusay in duufaanta oo xoogganayd ay dhimasho, dhaawac iyo burbur guyo sababeen, iyadoo dadkii ku noolaa deegaannadaas ay isla shalay ka barakaceen goobihii ay dabeyluhu ku dhufteen.
Sidoo kale, dadka deegaankaas ku nool ayaa dowladda Somalia iyo sidoo kale hay’adaha samafalka ka shaqeeya ka dalbaday maanta inay gargaar degdeg ah lasoo gaaraan, inkastoo aanay dowladda iyo hay'adaha gargaarku weli wax jawaab ah ka bixin codsiga shacabka Raage-ceelle.
Guddoomiyaha deegaanka Raaga-ceelle ayaa sheegay in dadka deegaankaas ay waxyeello kasoo gaartay dabeylihii ku dhuftay, isagoo xusya inaan weli la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ay dableylahaasi sababeen.
“Dabeyluhu waxay ahaayeen kuwo xowli sare ku socday oo dhinaca badda ka yimid, guryo badan ayay dumiyeen, guryaha oo ahaa kuwo jiingado ka sameysan sare ayay u qaadeen. Dadkii guryahaas ku noolaa isla shalay ayay ka barakaceen,” ayay haweeney ka mid ah dadkii ay guryuhu ka dumiyeen dabeylaha deegaankaas ku dhuftay.
Waxaa kaloo warbaahinta la hadlay goobjooge kale oo isna sheegay inay ku hoydeen xalay dad badan meelo cidlo ah, maadaama guryahoodii noqdeen kuwo burburay, ayna dibadda weli ku sugan yihiin iyagoo aan haysan hoy.
Ugu dambeyn, dabeylahan ayaa la sheegayaa inay guryo sagaashameeyo lagu sheegay tira-dooda ay burburiyeen, ayna labaatan qof oo shacabkii ku noolaa deegaanka ka mid ah.
Si kastaba ha ahaatee, deegaankan ayaa wuxuu ka mid yahay deegaannadii ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala wareegeen bishii Oktoobar ee sannadkii hore kala wareegeen Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinaysay.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya