SHARMA’ARKE: Xildhibaanada dhaliilsan Xukuumaddeyda waan la fariisanaya


Arbaco, Janaayo 14, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa difaacay magacaabisa xukuumaddiisa, isagoo sheegay inuu la farsiisan doono xildhibaannada kasoo horjeeda oo ku yeelanayay shir maalmaha Muqdisho.

 Sharma’arke ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay tahay mid dheelli-tiran kana keenay xubnaheeda dhinacyadii uu khilaafka siyaasadeed uu u dhexeeyay, tasoo uu xusay inay qayb ka tahay qorshihiisa ku aaddan in deggenaasho siyaasadeed uu horseedo.

“Xukuumadda aan soo dhisay waa mid dheelli-tiran, waxaan doonaya in la dhameystiro howlaha harsan, madaama xilliga dowladdu haysato uu yahay mid aad u yar,” ayuu yiri Sharma’arke oo intas ku daray. “waxaa go’aan ku gaaray inaan magacawno wasiiradii xukuumaddii hore, si deggenaasho ay u abuurto.”

Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayay ayaa inuu ku jaro-weyn yahay inay heli doonaan wasiirrada uu soo dhisay kalsoonida baarlamaanka. Wuxuuna ka dalbaday xildhibaannada kasoo horjeeda inay ku qancaan go’aankiisa.

Sidoo kale, Sharma’arke oo horraantii isbuucan soo magacaabay wasiirrada xukuumaddiisa ayaa la kulmay cambaareyno kaga imanaya xubnaha ka mid ah baarlmaanka iyo siyaasiyiinta Soomaalihyeed; waxaan waxyaabaha lagu eedeynayo ka mid ah in xukuumaddiisa ay ku jiraan wasiirradii riday labadii xukuumadood ee hore.

Lama oga go’aanka xildhibaannada kasoo horjeestay xukuumaddan sida uu noqon doono iyo siduu noqon doono go’aanka ra’iisul wasaaraha ee ah inuu heshiis la galo xildhibaannadaas.

Si kasta oo ay tahaba, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan baarlamaanka ayaa soo dhaweeyay xukuumadda uu Sharma’arke soo magacaabay, iyagoo ka dalbaday inay howlaha horyaalla wax ka qabato.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya