Gudoonka golaha shacabka oo go'aano kasoo saaray khilaafka Baarlamaanka

Isniin, November 24, 2014 (HOL) — Guddoonka golaha shacabka ayaa manta go'aanno ka soo saaray khilaafka taagan, isgaoo xusay inuu khilaafka madaxda dalka saameyn xooggan ku yeeshay hay'adaha dowladda oo dhan.

Qoraalka uu soo saaray Jawaari oo ka kooban 10-qodob ayaa lagu xusay in baarlamaanka uu ka dhacay buuq iyo is-qabasi fara badan, sidaa daraadeedna aan la gudo geli doonin wax ajande ah, inta xal laga gaarayo muranka iyo khilaafka hareeyay baarlamaanka Somalia.

Haddaba halkan hoose ka akhriso go'aannada ay soo saareen guddoonka BF Somalia

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya