Madaxweynaha Puntland oo cambaareeyey weerarkii ka dhacay Mandheera

Isniin, November 24, 2014 (HOL) —Madaxweynaha Punltand ayaa cambaareeyey weerarkii 28da qof lagu diley ee labo maalmood kahor ka dhacay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ee Garoowe waxaa lagu sheegay in weerarkaasi ahaa fal waxashnimo ah.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu xusay in weerarka Mandheera liddi ku yahay mabaad'ida hagaagsan ee Islaamka iyo weliba xuquuqda bini aadamka.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhanka kale tacsi u direy dowladda iyo dadka reer Kenya gaar ahaan qoysaskii eheladooda weerarkaas ku waayey.

Weerarkii Mandhera oo mas'uuliyaddiisa Ururka Al-shabaab sheegtay waxaa sidan oo kale horay ugu cambaareeyey labada mas'uul ee ugu sarreeya Dowladda Federaalka iyo wakiilka Qaramada Midoobey u jooga Soomaaliya.

Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya.

Kenya ayaa soo gelitaaka ciidankeeda ee Soomaaliya ku sababeysey inay tahay si ay ula dagaallamaan Al-shabaab, oo sida Kenya sheegtay khatar geliyey dhaqaalaheeda iyo weliba ammaanka muwaadiniinteeda.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarro qaarkood khasaare badan dhaliyeen oo horay dalkaas uga dhacay waxaana kamid ahaa labadii weerar lagu qaaday Westgate Mall iyo deegaanka Mpeketoni. 

Dad boqol kor u dhaafaya ayaa labadaas weerar ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa kasoo gaarey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online,
[email protected],
Puntland, Soomaaliya.