Al-shabaab oo beenisay hadalkii Kenya ee ahaa in ay dileen 100 Shabaab ah


Isniin, November 24, 2014 (HOL) — War kasoo baxay taliska ciidamada Al-shabaab ayaa lagu beeniyay sheegashada madaxda Kenya ay ku sheegeen inay dileen dileen in ku dhow boqol qof oo xoogagga Al-shabaab ka tirsan.

Warsaxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sh. C/casiis Abuu-Muscab ayaa lagu sheegay inay bad qabaan ciidankii fuliyay howlgalkii duleedka Mandheera ka dhacay ee lagu dilay dad uu ku sheegay inay masiixiyiin yihiin.

“Al-shabaab waxay xaqiijinaysaa inaysan jirin wax dagaal ah oo xoogagooda iyo kuwa dalka Kenya dhaxmaray saacadihii lasoo dhaafay; warka William Ruto uu shaaciyayna uu been yahay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri. "Ciidamada fuliyay howlgalkii ka dhacay duleedka Mandheera Nasaarada Kenya ka mid ah; waana been aan sal iyo raad laheyn warka ay Kenya sheegtay.”

Al-shabaab ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkeeda ku sheegay in ujeeddada Kenya ay ka leedahay faafinta dacaayadda beenta ah inay shacabkeeda ku qanciso wax aan jirin oo been ah.

“Ujeeddooyinka ay Kenya ka leedahay warkan waxaa ka mid ah madaxda dalka Kenya oo cadaadis kala kulmaya shacabkooda inay faafinayaan war been abuur ah; dulucdiisuna ay tahay in dareenka shacabka kacsan lagu dajiyo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkii lagu dilay 28-kii qof ee la socday buska, kuwaasoo ka  tagay deeganno ka tirsan gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya, kuna socday magaalada Nairobi si ay fasax ugu soo qaataan.

Tan iyo sannadkii 2011-kii oo xukuumadda Kenya ay kumannaan ciidamadeeda ah u soo dirtay Soomaaliya gelisay si ay Al-shabaab ayay ka fulisay Al-shabaab Kenya weerarro isugu jira qaraxyo iyo kuwo toos ah ka geysanaysay degmooyinka iyo magaalooyinka waaweyn ee Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya