Xaflad lagu Abaalmariyay Prof. Dufle iyo Dr. Katle oo lagu Qabtay Muqdisho


Isniin, November 24, 2014 (HOL) — Xaflad ballaaran oo ay soo diyaariyeen qaar ka mid ah ardayda kuliyada caafimaadka ee jaamacadda Banaadir, gaar ahaan kooxda sagaalaad ayaa lagu qabtay xarunta jaamacaddu ay Muqdisho ku leedahay.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle iyo kaaliyihiisa Dr. Katle oo labaduba ka mid ah macalimiinta kuliyadda caafimaadka ee jaamacada Banaaadir ayaa lagu guddoonsiiyay xafladdan abaalmarinno qaali ah.

Xafladdan ayaa goob-joog ka ahaa maamulka iyo macalimiinta Jaamacada Banaadir oo ay ka mid ahaayeen, hormuudka Kuliyadda Caafimaadka Dr. Bidey iyo ku-xigeenkiisa Dr. Cali Jimcaale, hormuudka kuliyadda xanaanada xoolaha Dr. Cumar  Kulmiye, hormuudka arimaha ardayda Ing. Raage iyo ku-simaha gudoomiyaha Jaamacada Banaadir ahna gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada C/raxmaan Xassan Cumar iyo Marti Sharaf kale.

Hormuudka kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Bidey ayaa ugu horeyn waxaa uu hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyay munaasabada isagoo sheegay inay muhiim tahay munaasabada oo aheyd mid ay dhigteen ardayda Bachelor nine oo abaalmarino gudoonsiinayey macalimiintooda kala ah Prof. Cusmaan Dufle iyo Dr. Maxamed C/qaadir Katle, iyagoo dhinaca kale ku sagootinayey Dr. Katle oo dalka dibediisa ugu ambababxaya barashada taqasusyo cusub.

“Waxa aan aad ugu faraxsanahay dadaalka ay bilaabeen ardayda Bachelor nine oo ah in macalimiinta la dhiirri geliyo. Maanta waxay abaalmarinno siinayaan Prof. Dufle iyo Dr. Maxamed Cabdulqaadir Katle oo isagu dalka dibadiisa ugu baxaya takhasus” ayuu yiri Dr. Maxamed Maxamuud Bidey.

Hormuudka arimaha ardayda ee Jaamacada Banaadir Ing. Raage, oo ka hadlay Munaasaba ayaa aad uga mahadceliyay ardayda karaamada ay u sameeyeen macalimiintooda, waxaana uu si gaar ah uga hadlay aqoonta uu u leeyahay Dr. Katle oo uu sheegay inay isku fasal ahaayeen uuna ku yaqaano karti iyo dadaal dheeri ah, wuxuuna u rejeeyay safarka waxbarasho oo uu u baxayo inuu noqdo mid guul ku dhamaada.

Dr. Maxamed Cabdulqaadir Katle oo munaasabadaas ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahadceliyay ardayda kuliyadda caafimaadka ee Jaamacada Banaadir gaar ahaan bachelor nine oo uu u ahaa caawiye macalin, waxasna uu sidoo kale u mahadceliyay Prof. Dufle oo uu sheegay in la’aantii uusan heer wanaagsan soo gaari laheyn. .

“Aad ayaad ugu mahadsantihiin abaalmarinta aad nasiineysaan Waxbarasho waa muhiim waxaan idinkula dardaarmayaa inaad wax badan aqrisaan si aad wax badan u barataan. Waxaan idinku dhiiri gelinayaa inaad noqotaan kuwa waxbarashooda ku guuleysta” ayuu yiri Dr. Katle.

Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah asasaayaasha iyo macalimiiinta Jaamacada Banaadir ahna gudoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee baarlamanka Somalia oo isna munaasabada ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida uu ugu faraxsanyahay karaamada ay u sameeyeen ardayda kuwaasoo khudbado iyo gabayo ku amaanay, isagoo sheegay inuu rajeynayo ardayda kalana inay ku daydaan.

“Abaalmarinda iyo sagootinta aad u sameyneysaan aniga iyo Dr. Katle waxay muujineysaa inaad tihiin arday abaal leh iyo inay idinka buuxaan hogaamiyayaashii Mustaqbalka. Annagu wixii waajibka nagu ahaa ayaan idiin qabannay hasa yeeshee adinkana waxaad garateen inaad noogu abaal gutaan waajibkaas aan gudannay. Katle waxa uu ka baxay jaamacadaan. Markii aan arkay inuu yahay arday dadaalaya ayaan go’aansaday inaan gacan qabto. Allah mahadii maanta waa dhaqtar wax badan Soomaalida u qaban kara” ayuu yiri Dr. Dufle oo hadalo dardaaran ku sagootiyey kaaliyihiisa Dr. Katle.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacada Banaadir, C/raxmaan Xassan Cumar oo sheegay inuu aad ugu faraxsanayahay dadaalka ay sameeyeen ardada Bachelor nine sidii ay u sagootin lahaayeen Dr. Katle oo dibada waxbarasho ugu baxaya iyo abaal marinta ay siiyeen macalinkooda Prof. Dufle.

Ku-simaha guddoomiyaha Jaamacadda ayaa ugu dambeyn abaalmarinadii ay ardaydu ugu talo galeen waxaa uu gudoonsiiyey Prof. Cismaan Maxamuud Dufle iyo Dr. Katle.

Intii ay munaasabadu socotay ayaa waxaa suugaan iyo khudbado amaan ah ka soo jeediyay qaar ka mid ah ardadii soo abaabushay xaflada, kuwaasoo sheegay in aysan ilaawi Karin aqoontii ay bareen  Prof. Dufle iyo Dr. Maxamed Cabdulqaadir Katle.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya