Mooshinkii oo Maanta la qaybiyay iyo Prof. Jawaari oo lagu buuqay (DAAWO)


Isniin, November 24, 2014 (HOL) — Mooshinka dhanka ka ah RW Somalia, C/weli Sh. Axmed ayaa loo qaybiyay xildhibaannada baarlamaanka Somalia iyadoo xildhibaannada mooshinka kasoo horjeeda ay ku buuq ku kiciyeen guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa isku dayay inuu xildhibaannada buuqa waday xakameeyo, balse way ka dhego adaygeen iyagoo buuqooda iska sii watay, waxaana taasi ay keentay in guddoomiyuhu uu hoolka shirarka ee baarlamaanka isaga baxo.

Xildhibananada kasoo horjeeda mooshinka ayaa la sheegay inay jeexeen nuqulladii mooshinka ahaa ee loo qaybiyay, halka kuwii taageersanaana ay horay u qaateen nuqulladii loo qaybiyay.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu haatan ku sugan yahay xafiiskiisa Villa Hargeysa, halkaasoo lagu wado inuu dhawaan kasoo saaro warbixin ku saabsan xildhibaannada buuqa sameeyay.

DAAWO: BUUQII MAANTA KA DHACAY XARUNTA BAARLAMAANKA

Mudanayaasha kasoo horjeeda mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Somalia iyo xukuumaddiisa ayaa isku dayaya weli inay hojoogsadaan inuu mooshinkaas noqdo mid socda, iyadoo aan la ogeyn go’aanka uu Jawaari ka qaadan doono xildhibaannadaas.

Buuqa xildhibaannada kasoo horjeeda mooshinka ay ka sameeyeen golaha baarlamaanka ayaa noqonaya kulankii saddexaad oo sidan oo kale ay uga sameeyeen baarlamaanka, iyadoo xildhibaannadu ay buuqa kaddib isaga baxeen hoolka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka oo intii uusan bixin hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in xildhibaannadu ay mooshinka soo akhristaan muddo shan maalmood ah, kaddibna la billlaabi doono doodda mooshinkan iyo cod u qaadiddiisa.

Buuqii maanta ka dhacay xarunta baarlamaanka Somalia ayaa sii xoojinaya jahwareerka ka taagan dhismaha baarlamaanka iyo kala qaybsanaanta u dhexeysa xildhibaanada aragtiyada iska soo horjeeda qaba.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya