Shaqaale ka Tirsan Xafiiska Ra'iisul Wasaare C/weli oo Tababar loosoo Xiray


Isniin, November 24, 2014 (HOL) — Waaxda shaqada, shaqaalaha iyo tababarrada ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa tababar soconayay maalin kuna saabsan kor u qaadidda aqoonta xirfadlayaasha u qabatay qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiska, kaasoo qeyb ka ah barnaamijka tayeynta iyo tababarrada shaqada iyo shaqaalaha XRW ee uu ku dhawaaqay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, C/qaadir Cabdi Faarax.

Agaasimaha waaxda Maxamed Jaamac Yuusuf oo ka hadlay madasha ayaa tilmaamay ujeeddada tababarkan ay u qabteen ay tahay inay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee shaqaalaha, taasoo qorshaha laga leeyahay ay tahay in xafiisku ku shaqeeyo nidaam hufnaan leh.

“Waxaan maanta soo xirnay tababar lagu kobcinayo aqoonta xirfadleyda oo runtii kaalin muuqata ka cayaarta shaqada ka socota Xafiiska. Bishii hore sidaan oo kale waxaan tababar usoo xirnay shaqaale kale oo ka faa’idaystay tababar ay waaxdu bixisay, iyadoo kaashanaysa aqoonyahano iyo khudbaro Soomaaliyeed” ayuu yiri Mudane Maxamed Jaamac.

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Xafiiska RW, Abuukar Maxamed Daahiye oo siminaarka soo xiray ayaa ugu baaqay kasoo qeyb galayaashu in ay ka faa’iideystaan tababarka.isla markaasna ku dhaqmaan

Ugu dambeyn, waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalihii ka faa’iideystay tababarka ay qabatay Waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo tababarrada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya